Kaalmaddii ugu horaysay ee Caalami ah ee Caruurta Rohingya oo gaartay Bangaladesh

Date:

Dhaka-(SONNA)-Hayadda u qaabilsan Q/M daryeelka Caruurta ayaa sheegtay in ay gaareen dalka Bangaladhesh Shixnadihii ugu horeeyay ee gargaar ee loogu talagalay caruurta Qaxootiga ee Rohingya ee u cararay dalka Bangaladhesh.

Shixnadahan gargaarka ee deg-degga  ayaa gaaraya 100 tan, oo sida qorshuhu yahay loo qaybin doono carruurta Rohingya iyo Qoysaskooda sida hayadda unicef ku faafisay barteeda Internetka.

Warku wuxuu intaasi raacinayaa in Shixnaddaan gargaarka lagu gaarsiiyay caasimadda Bangaladhesh ee Dhaka duulimaadyo dhanka hawada ah, waxaana loo sii daabuli doonaa goobaha ay ku sugan yihiin Caruurta Qaxootiga Rohingya ee ku yaal xuduudda labada dal.

Kaalmadaan ayaa ka kooban daawo lagu nadiifiyo biyaha, waxyaabo kale oo lagama maarmaan u ah nadaafadda Qoyska,maadooyin loo adeegsado daryeelka Caafimaadka iyo Qalab ay caruurtu ku cayaaraan.

Dhanka kale wakiilka hayadda unicef ee Bangaladhesh ayaa sheegay in Caruurta qaxootiga ah ee Rohinhya haddii ay helaan biyo nadiifa ay taasi ka hortag u noqon doonto cudurada faafa gaar ahaan Shubanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...