Turkiga oo ka soo Horjeestay Aftida laga qaadayo Kurdiyiinta Ciraaq

Date:

Muqdisho (SONNA)- Maanta oo Isniin ah Dowlada Turkey ayaa ku dhawaaqday inay waxba kama jiraan tahay Natiijo kasta oo ka soo baxda Aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq, taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Wasaaradda arimaha dibada Turkiga ayaa sheegtay in Golaha amniga qaranka loo jeediyay in cuna qabateyn ay ku soo rogaan Gobolka Kurdish, hadii ay dhacdo aftidaasi, waxaana arintaasi ansixiyay Golaha wasiiradda.

Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda arimaha dibada waxaa lagu yiri:“Ma aqoonsanin talaabadan aanan laheyn Sharciyad aas aasi ah, mid caalami ah iyo dastuurka Ciraaq”.

Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday in laga fogaado cawaaqib xumo ay sheegtay inay ka dhalan karto arintan.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...