Wabiga oo Shabeelle laga cabsi qabo in uu ku fataho tuulooyinka hoostaga Jowhar

Date:

Jowhar (SONNA) Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la soo deristay cabsi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxadiraan saameynta ka dhalan karta hadii uu fataho Wabiga Shabeelle.

Heerka biyaha Wabiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku uu wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Wabiga, si looga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.

Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu dhowย hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...