Howlgalo Amaanka lagu xaqiijinayey oo xalay laga sameeyey Muqdisho

Date:

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa Xalay Howlgalo Ka sameeyay xaafado katirsan degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Juungal, Waxaana Ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga, si  looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadda ayaa la arkayey iyaga oo baaraya guryaha ku yaal Xaafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmayey dadweynaha ku sugnaa deegaanka uu ka socday howlgalka.

Howlgala ayaa sidoo kale waxaa ka Qeyb qaadanayey maamulka degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmadaas, iyo masuuliyiin kale.

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtay howlgalka, waxaana la isugu  keeney barxad ku taal xaafadda JuungaL ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadib markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley warbaahinta howlgalka kadib, ayaa ka warbixiyay sida uu u dhacey howlgalkaasi isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamadda Amniga.

Ciidamadda Xasilinta caasimadda ayaa mudooyinkii dambe howlgalo lagu xaqiijinayo amniga kawaday degmooyinka gobalka Banaadir, kaasi oo lagu beegsanayey maleeyshiyaadka Al-shabaab.

W/D:- C/qaadir Fantastic

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...