Faah faahin ku saabsan dagaal ka dhacay Hiiraan

Date:

Mudisho(SONNA) Dagaalkani oo u dhexeeyay Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaaab iyo dad shacab ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Farlibaax oo hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaankaasi,iyadoo shacabka kunool deegaankaasi Farlibaax oo ka soo horjeeda dhibaatooyinka Shabaab ay ka hortageen weerarkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Jamaal Xaaji Cali oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay maleeshiyada Shabaab oo marka hore weerarka soo qaaday uu soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Sida aad ogtahayba Alshabaab iyo dadka deegaanka muddo 5 sano ayaay dagaashanaayeen,abaaro salaada Duhur ayay maanta soo weerareen,anaga 1 qof ayaa naga dhintay,iyagana dhankooda khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaan gaarsiinay, xogtoodi waa lahaayay, dib ayaana loo celiyaay,sida aad la ogtahayba meeshani ciidanka  jooga waa dhalinyaro deegaanka ah,waxaana socoda dadaalo maamulka Hirshabeele iyo Dowladda Soomaaliya ay ku qaramaynayaan dhalinyaradani, maadaama ay taabansan yihiin Dowladda Soomaaliya,ayna ladagaalamayaan Shabaab”, Ayuu yir Guddoomiye Jamaal.

Jamaal Xaaji Cali Guddoomiyaha Deegaankaasi Farlibaax ee  Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka HirShabeele in ay gacan ka siiyaan sidii shacabka looga dulqaadi lahaa Argagixisada Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in dhowr jeer ay duulaan ku soo qaadeen maleeshiayada Shabaab,balse shacabka oo isku duubni muujiyay iska difaaceen alshabaab.

DHAGEYSO WAREEYSIGA KU SAABSAN DAGAALKAASI.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...