Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo Booqday Mashruuca waraabka beeraha G/gedo “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha ee Gobolka Gedo oo heer gabo gabo ah maraya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorsheeneysa in la gaarsiiyo mashruucan dhammaan gobolada maamulkaasi, si looga faa’iidaysto biyaha wabiga looguna waraabiyo beeraha ka fog dhinacyada  wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah waxay lug kusoo mareen dhammaan qaybaha Mashruucan oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha, isagoo  Madaxweynaha ammaanay sida dar darta leh ee hawshu ay usocoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii Beeraleeyda looga gacansiin lahaa wax soo saarka, ayna uga faa’iidaysan lahayeen suuqyada gudaha iyo dibada oo waxyabaha ay Beeraan ay u suuq geeyaan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...