Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo Booqday Mashruuca waraabka beeraha G/gedo “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha ee Gobolka Gedo oo heer gabo gabo ah maraya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorsheeneysa in la gaarsiiyo mashruucan dhammaan gobolada maamulkaasi, si looga faa’iidaysto biyaha wabiga looguna waraabiyo beeraha ka fog dhinacyada  wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah waxay lug kusoo mareen dhammaan qaybaha Mashruucan oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha, isagoo  Madaxweynaha ammaanay sida dar darta leh ee hawshu ay usocoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii Beeraleeyda looga gacansiin lahaa wax soo saarka, ayna uga faa’iidaysan lahayeen suuqyada gudaha iyo dibada oo waxyabaha ay Beeraan ay u suuq geeyaan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...