Qoysas raashin loogu qeybiyay degmada Doolow

Date:

Muqdisho (SONNA) Ku dhawaad 800 Qoys oo dan yar Islamarkana ku nool xerooyinka barakacayasha Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa ka faa’iidaystay Deeqdan raashinka oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana maanta laga qaybiyay qaar ka mid ah degmoyinka Gobalkaasi.

Qeybinta raashinka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Guddoomiyaha Gobalka Gedo Mudane Maxamed Muxumed, Xildhibaano iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Dadkii ka faa’iideystay deeqda raashinka ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Muxumed ayaa waxa uu sheegay in ay guddoomeen raashinkii loogu talagalay Gobalka Gedo, ayna maanta ka qeybiyeen degmada Doolow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa uga mahadceliyay dowladda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiisay dowlad goboleedka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...