DonaldTrump”Waan baabi’inaynaa Waqooyiga Kuuriya hadii ay khatar nagu noqoto

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.

Wuxuu Kuuriyada Waqooyi ku dhaliilay dadaalka ay ugu jirto in ay sameysato hubka nukliyeerka, waxaanu sheegey in uu baabi’in doono wadankaas haddii Mareykanku uu khatar ka dareemo.

Mr Donald Trump ayaa sidoo weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku dayday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump waxa uu ugu baaqay Iiraan in ay dadkeeda ilaashato oo aanay taageerin kooxaha Argagaxisada ah.

Dowladda Iiran ayaa jawaab kulul ka bixisay khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga baahneyn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-aad.

Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo arinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...