Madaxweyne Donald Trump”Waxaan hormuud ka noqonayna garab istaaga Soomaaliya”

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka oo khudbadiisi ugu horeysay ka jeediyay maanta shirka Golaha Guud ee Qimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa siweyn uga hadlay dowrka Mareykanak uu ku leeyhaya taageerada qaar kamid ah wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hormuud u noqonayo dhamaan dalalka Caalamka sidii gar gaar dhanka bani’aadanimada ah loo gaarsiin lahaa qaar kamid ah Dalalka Afrika, sida Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Nigeria.

“Howlgalka nabad ilaalinta Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa iyo midowga Africa waxuu dowr muhiim ah ka qaatay sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalalka Afrika ee xasaraduhu ay kajiraan,Dolwadda Mareykanka waxay hoggaan u noqon doontaa sidii Caalamka intiisa kale uu gar gaar bani’aadanimo loola garab istaagi lahaa wadamada Soomaaliya,South Sudaan,Yeman iyo Nigeria,Dowladda Mareykanka waxay kamid tahay 193 wadan oo kamid ah QM 20% boqolkiiba waxaa bixiya Mareykanka miisaaniyadda QM waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha ugu badan aan bixino”, Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Mareykanka ayaa wuxuu kamid yahay wadamada taageera Soomaaliya,sida amniga iyo ladagaalanka Argagixisada Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada.

Dhanka kale Wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ladagaalanka argagixisada wuxuuna ku ammaanay wadamada ka qeyb qaadanaya ka hortaga qataraha kooxaha Argagixisada,wuxuuna intaasi ku daray in ay gacan ka qeysanayaan sidii dadka qoxootiga ah ee wadamadoodi ka soo cararaya dib u dejin loogu sameyn lahaa dalkooda,gaar ahaan wadamo badan oo carbeed,sida Syria.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si kulul u weeraray siyaasadda hogaamiyaasha wadamada Kuuriyada Waqooyi,Iiraan,Venezuela iyo Cubba,wuxuu xusay in Mareykanka uusan u dulqaadan doonin daan daansiga Kuuriyada Waqooyi uuna awoodo in uu burburiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...