Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo Sheegtay in Ciidamada Xoogga ay Awood u leeyihiin Hanashada Amaanka guud ee Dalka

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Colaad Rooble oo socdaal shaqo ku maraya Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, ayaaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka ay a wood u leeyihiin hanatashada Amniga guud ee dalka,ayna kala wareegi karaan AMISOM.

Wasiir C/llaahi Colaad Rooble oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeeda ugu weyn ee socdaalkooda ay aheyd in u kuurgalka xaaladda dhabta ah ee ciidamada Xoogga Dalka ee xarumaha ku kala leh Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, maadaama la doonayo in Ciidamada Soomaaliyeed ay kala wareegaan AMISOM guud ahaan amniga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan deegaanada Sedexdaasi gobol ay ku suganyihiin  Ciidamada Xoogga Dalka oo meelaha qaar aysan la joogin ciidamada AMISOM, iyagoona ku guuleystay sugida amniga iyo inay wada shaqeyn fiican la yeeshaan dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Wafdiga la socday ay ku jireen Saraakiil ka socda Hay’addaha dhaqaalaha ku taageera AMISOM, oo iyagana aad ula dhacay in meel kasta ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka oo si weyn u diyaarsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...