Wasaarrada Dhallinyarada iyo cayaaraha oo qalab Isboorti ka guddoontay dowladda Jabuuti

Date:

Muqdisho (SONNA):-  Wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka guddoontay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, qalab isboorti oo dowladda Jabuuti ay ugu tallogashay dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab, ayaa yiri: “Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu ka qeyb qaatay horumarka kubadda cagta Soomaaliya, kullamadda loo qorsheeyay inaan ku ciyaarno dalkeenna inta badan waxaan ku dheelnaa Jabuuti.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, waxanna uu sheegay: “Deeqdan qalabka cayaaraha ah waxa ay ka timid madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwaddiisa Khadro Xeyd, waxa uu qalabkan ka koobban yahay nooc walba oo ciyaaraha haddii ay noqon laheyd kubadda cagta, Kolayga, Gacanta, cayaaraha fudud, xitaa waxaa ku jira qalabka dabbaasha.”

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka wasaarrada dhallinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxanna ay tiri:” Waxaan u mahadcelinayaa bulshadda reer Jabuuti oo ay ugu horreeyaan Aabbaha Soomaaliyeed Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hooyadda Soomaaliyeed Khadra Maxamuud Xeyd, runtii marwalba waxa ay qaataan door aan la iloobbi karin, waana uga mahadcelineynaa qalabkan isboorti ay nasoo gaarsiiyeen.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...