Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka.(Sawirro)

Date:

Muqdisho (SONNA)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...