Xildhibaannada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay labo Hindise sharciyeed

Date:

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar , waxaana ajendaha kulanka uu ahaa qeybinta heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya oo ku saabsan Isdhaafsiga Maxaabiista Xukuman,Warbixinta gudiga Isgaarsiinta oo ku saabsan sharciga Isgaarsinta oo Aqalka sare usoo celiyay golaha shacabka, akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka kheyraadka Biyaha iyo sidoo kale akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada Heerka 1-aad 2-aad iyo Tacliinta sare.

Sida uu qabo qodobka 56-aad farqadiisa 5aad ee xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ku saabsan magacaabida guddi gaar ah oo leh jiritaan cayiman guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray qaraarkii golaha Wasiirada ee lixdii bishan kaddib doodii kulankii 17-aad ee Golaha Shacabka uu yeeshay 13-kii bishan kuna saaabsanaa qaraarkii golaha Wasiirada oo Ra’yiga aqlabiyada Xildhibaanada golaha shacabka uu ku taliyay in loo saaro guddi gaar ah oo kasoo baarandega arrimaha ku xusan qaraarka golaha Wasiirada ee kor ku xusan, waxaana xoghayaha golaha shacabka ugu horeyn golaha ka hor aqriyay magacyada gudiga uu Guddoomiyaha magacaabay.

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo ay golaha kusoo celiyeen golaha Aqalka sare, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Jabriil oo ah xoghayaha guddiga Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Wacyi gelinta ee Golaha Shacabka.

“Mudane guddoomiye markaan aragnay nuqulka hindise sharciyeedka aqalka sare noo soo gudbiyay, waxa ay wax kordhin ku sameeyeen qodobka 10-aad farqadiisa koowaad xafka C oo ay ka dhigeen hal xubin bulshada rayidka/ shacabka, halka markii hore uu ahaa hal xubin oo bulshada rayidka, waxa ay ku soo dareen oo kaliya hal erey oo ah shacab, waxaana halkan kuugu soo lifaaqnay asalka Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka si loogu gudbiyo habraaca meel marinta madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Jabriil.

Wasiirka Biyaha iyo Korontada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa golaha ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha oo ay Wasaaradiisu soo diyaarisay iyo ujeedada hindise sharciyeedka oo uu ku sheegay inay muhiim u tahay dalka.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka Biyaha iyo Korontada weydiiyay Su’aalo ku saabsan dhibaatooyinka biyaha ah ee dalka ka jira ee uu xalinayo sharcigan haddii la ansixiyo iyo culeyska miisanaiyadeed ee uu soo kordhinaayo sharcigan haddii la ansixiyo Sanadka Koowaad iyo Sanadaha Xiga, iyadoo Wasiirka uu ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen.

Sidoo Kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka waxbarashada dalka ee heerka 1-aad 2-aad iyo sidoo kale tacliinta sare oo uu sheegay in sharciga uu ka hadlayo dhismaha dhulka, dugsiyada dowladda iyo hantida ma guurtada ah ee ay leedahay Wasaaradda sida loo maamulayo.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale uu sharcigan ka hadlayo waxbarashada dhanka tacliinta sare ee Jaamacadaha.

Xildhibaanada ayaana Wasiirka waxbarashada weydiinayay su’aalo ku saabsan hindiseedkan ay soo diyaasrisay Wasaaradiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha Xukuumadda in marka ay sharcaiyada diyaarinayaan dib u fiiriyaan sharciyadiia hore ee uu dalku lahaa iyo sidoo kale deeqaha waxbarasho oo ay si siman u wada helaan ardayda Soomaaliyeed.’

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labad hindise sharciyeed ee maanta la horkeenay golaha shacabka ay muhiim u yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee  kaalinta weyn ka qaatay horumarinta adeeagyada ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...