Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka.(Sawirro)

Date:

Muqdisho (SONNA)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...