Bulshada oo loogu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed

Date:

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana xubin ka ah Baarlamanka Afrika  ayaa shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabowaxa waxa uu kaga hadley xaaladaha beni’aadanimo ee xilligan ka jira deegaannada Koonfur Galbeed oo ay uga horeeyaan biyo la’aanta iyo barakacyaal hor leh oo soo gaaraya magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa baaq u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ee ka soojeeda Deegaanada Koonfur Galbeed in ay ka qeybqaataan gurmad biyo dhaamin ah oo dhawaan laga bilaabi doono Deegaanada KG.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa dhanka kale shaagey in uu Deeq waxbarasho oo Jamacadeed oo lacag la’aan ah uu keeney magaalada Baydhabo, taasi oo looga faa’iideyn doono ilaa 100 arday oo soo dhameysay Waxabarashada heerka Dugsiga sare.

Mudane Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa sheegay in deeqdan waxabarasho ay ka timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kafaalad qaaday in uu bixinayo lacagta Jaamacadda ee boqolka arday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....