Madaxweynaha Sudan oo ka hadlay Saameynta Cunaqabateynta saaran dalkiisa

Date:

Khartum –(SONNA)- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay ku taagan tahay dhabbaha nabad ku soo dabaalida geyiga dalkiisa,isla markaana ay qaadayaan talaabo shacabka u horseedaysa nabad iyo baraare.

Madaxweyne Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Khartuum kula yeeshay koox ka kooban khubaro iyo warfidiyeen Mareykan ah,wuxuuna u sheegay in dagaalka ka socda Sudan uusan aheyn mid la dhashay xiligii gobonimada dalkiisa, balse uu yahay mid soo jireen ah,wuxuuna intaa raaciyay inay dawladiisu soo dhaweynayso  heshiiskii nabadda oo ay wada gaareen garabyada hubeysan ee dalkaasi.

Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyay in go’aankii xabad joojinta oo ay hore u gaartay xukuumadiisa uu weli sidiisii u taagan yahay,isagoo dhanka kale soo dhaweeyay kaalmada bani’aadanimo oo ay dowladda Mareykanka u fidinayso dadka uu saameeyay dagaalka,kana barakacay hoygooda.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa dhanka kale cadeeyay in wadciga dabiiciga ah ee dalkiisa haatan ka taagan uu yahay saameynta cunqabateynta saaran, wuxuuna sheegay  in uu ku raja weyn yahay in cunaqabateyntaasi laga qaado,isagoo ballanqaaday inuu u hagaansami doono  fulinta dhamaan qodobadii lagu heshiyay oo ay Dowladda Mareykanka goob joog ka aheyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...