Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Masuuliyiin ka tirsan ayaa ka mid ah wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

XIGASHO:SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...