Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Masuuliyiin ka tirsan ayaa ka mid ah wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

XIGASHO:SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...