Wareegii u dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo socota

Date:

Jowhar (SONNA) Waxaa wali magaalada Jowhar ka soconeysa doorashada Madaxweynaha Maamulka hirshabeelle, iyada oo loo gudbay wareegii saddexaad ee doorashada, kadib markii ay dhammaadeen labadii wareeg ee hore.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 8 Musharax ayaa waxaa isugu soo haray wareegga hadda socda ee saddexaad labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle oo helay  20 Cod

Waxaa gobta ku sugan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,guddiga doorashada iyo marti sharaf kale kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay doorashda u dhacayso.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in maamulka Hirshabeele uu yeesho madaxweyne,Waxaana soo dhammaaday codadka ay dhiibanayeen Xildhibaanada, iyada oo ay hadda socoto tirinta codadka wareegga saddexaad.

 

Waxii kusoo kordha kala soco SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...