Ra’iisul Wasaare Khayre oo boggaadiyey Carwada Buugaagta ee Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho, 14 September 2017 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan, wuxuuna ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.

Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.

Dadka ayaa iibsanayay buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...