Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho

Date:

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...