Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo EX-Degfeer

Date:

Muqdisho (SONNA) Hay,adda Hormuud foundation ayaa deeq lacageed oo 50 kun oo dollar gaareysisay  Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer oo ay ku jiraan dadkii waxyeelada kaso gaartay masiibadii ka dhacday iskooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayagoo sinayay qofkii 100$ waxaana ay sheegeen in ay ka mid tahay ka qeyb qaadasha gurmadka loo fidinaayo dadkaas.

Agaasime ku Xigeenka Hay,adda Hormuud foundation C.raxmaan Ibraahin Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aheyn tii ugu dambeysa oo ay si wadi doonan ugurmashada shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay iskooska zoobe maalintii sabtida aheed.

Dr. maxamed Yuuuf Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ayaa uga mahadciliyay deeqda gurmadka ah oo ay soo gaarsiyeen Hay,adda Hormmud foundation iyo sida ay marwalbo uga qeyb qataan samata bixinta Bulshada.

C.raxmaan Ibraahin Cilmi  Agaasime ku xigeenka Hay,adda Hormuud foundation  ayaa sidoo kale  sheegay in ay waajib tahay in laga qeyb qaato gurmadka si loo dabiibo dadka ku dhaawcmay qaraxii bahalnimada ahaa ee ka dhacay iskooska zoobe.

Shirkadda Hormuud ayaa ka mid ah Xarumaha Ganacsi ee Dalka ka shaqeeya taasoo ay xusid mudan tahay in ay ka mid tahay Xaruumaha inta badan Caawiya bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan marka ay dhacaan fatahaada Wabiga shabeele,Abaarta iyo dhibaatooyin kale oo soo wajaha bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...