Saldhigyo Argagaxisada Al shabaab ku Dhuumaaleysanayeen oo la Duqeeyay

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose Aadan Cumar madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Saldhigyada la weeraray ay hore kaga carareen Al shabaab, ka dib hawlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaataayeen,balse waxaa ka war helay Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah, waxaana weerar duqeyn ah xalay lagu laayay Argagaxisada oo dhabar jab xoogan la gaasriiyay iyadoo Guddoomiyaha uu sheegay sida loo xaqiijiyay in Maleeshiyo ka baxsatay duqeynta aysan jirin.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayid ah, isagoo ku amaanay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka inay xaqiijiyaan markasta meelaha weerarka ay ku qaadayaan si shacabka aan dhibaato loo gaarsiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...