Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geeridii suxufi Abdullahi Osman Moalim

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne, maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Inaa Lillaahi, Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana qoyskii marxuumka, maamulka idaacada Codka Hiiraan iyo TV-ga Jubbaland iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo Muqdisho ku geeriyooday isagoo isbitaal ugu jirey dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn 10kii September 2017.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal naftooda u hura dalkooda, marwalbana ku shaqeeya daruufo aad u adag, waxeyna naga wada mudan yihiin inaan u wada istaagno taageeradooda iyo sidii aan u kobcin laheyn tayadooda, xirfadooda iyo aqoontooda si ay u sii labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...