Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta la dhageystay” Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa   maanta Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi Khudbadahooda kusoo bandhigay 3 kamid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada gaaray Wafuud heerar kala duwan leh oo ka socda Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.

Maalinta barri ah ayaa lagu wadaa shanta Musharax ee dhiman in iyagana Khudbadahooda ay ka horjeediyaan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Tirada Musharixiinta waa 8, waxayna kala yihiin Cabdikarim Cali Nuur, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Caruush,  Cabdiraxmaan Xuseen Cadow iyo Yusuf Hagar Daba-geed

Musharaxiinta ayaa waxa ay ka hadleyn Arrimo badan, iyagoo ka warbxiyey waxyaabaha ay qaban doonaan haddii Xilka Madaxweynimo loo doorto, waxaana mid walbaahi uu Xildhibaanada ka codsaday in ay siiyaan Codka kolsoonida Afarta sano ee soo socota, waxaana si faahfaahsan ay uga warameyn Taariikhdooda iyo qorshahooda waxqabad.

Maalinta Sabtida oo ay Taariikhda ku began tahay 16-ka bishan ayaa lagu balansan yahay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

\

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...