Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta la dhageystay” Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa   maanta Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi Khudbadahooda kusoo bandhigay 3 kamid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada gaaray Wafuud heerar kala duwan leh oo ka socda Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.

Maalinta barri ah ayaa lagu wadaa shanta Musharax ee dhiman in iyagana Khudbadahooda ay ka horjeediyaan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Tirada Musharixiinta waa 8, waxayna kala yihiin Cabdikarim Cali Nuur, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Caruush,  Cabdiraxmaan Xuseen Cadow iyo Yusuf Hagar Daba-geed

Musharaxiinta ayaa waxa ay ka hadleyn Arrimo badan, iyagoo ka warbxiyey waxyaabaha ay qaban doonaan haddii Xilka Madaxweynimo loo doorto, waxaana mid walbaahi uu Xildhibaanada ka codsaday in ay siiyaan Codka kolsoonida Afarta sano ee soo socota, waxaana si faahfaahsan ay uga warameyn Taariikhdooda iyo qorshahooda waxqabad.

Maalinta Sabtida oo ay Taariikhda ku began tahay 16-ka bishan ayaa lagu balansan yahay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

\

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...