Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Zope

Date:

Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomay Shahaadada Musharaxnimada

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta...

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...