Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

Date:

Muqdisho(SONNA) Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Newyorka ee xarunta QM ayaa laga soo saaray Qaraarkan  looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku.

Go’aanadan cusub waxaa kamid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.

Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha  Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso.

Qaraarkan ayaa sidoo kale lahadal hayaa in uu fursad siinayaa in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Geesta kale war  ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuroyada Waqooyi ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu “qiimaha u dhigma” ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...