Alshabab oo lacago baad ah ku siidaayay Gabdho ugu afduubnaa Gobolka Hiiraan

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoriyadoda ay dib u heleen gadho u afduubnaa in mudo ah kooxaha argagisada Shabaab gelinkii dambe ee Axaddii, kuwaasi oo howlo samafal ka waday Gobolka Hiiraan.

Sida uu Wakaaladad Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay  Aabaha dhalay mid kamid ah Gabdhahaasi oo ka gaabsaday magaciisa, Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa siidaayay labo kamid ah sedax Gabdhood oo u shaqaynayay Hay’adda Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalkakadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago baad ah oo gaaray min 13,000 kun oo Dollar,waxaana la haystay  muddo labo bilood.

“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo sedex ahaa,alaxadulillah maanat ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen awal howlo samafal oo ay Gobolka kawadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.

Gabdhahan oo ahaa 3 qof ayaa laga afduubtay Deegaanka lagu magacaabo Farlibaax oo katirsan Gobolkaasi Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadeen howlo loogu gargaarayo dadka dhibaataysan waxaan weli maqan hal gabar taasi oo aan la ogayn waxa ay ka yeelidoonaan maleeshiyaadkaasi Shabaab.

Waalidiinta Gabdhahaasi oo ahaa dhalinyaro ayaa in muddo ah ka walaacsanaa,afduubka loo haystay gabdhahaan oo lagu hayay Deegaanka Buq-Aqable oo katirsan gobolka Hiiraan,waxaana loo diiday in ay arkaan kadib markii halkaasi ay tageen.

16kii bishii July ee tagtay ayay ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay lacago baad ah ay ku siidaayeen ilaa 7 shaqaale samafal oo u shaqeynayay Hay’adda lagu magacabo Gareedo oo ka howlgasha Gobolka Bay 4 kamid ahna ahaa haween,kuwaasi oo ay ka qafaasheen duleedka magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...