Faah faahin ka soo baxaysa qarixii goor dhow Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho(SONNA) Inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo dhagar qabihii gaariga waday ayaa ku geeriyootay 9 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen  kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo uu watay dhagar qabe ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Maka Almukaramah,gaar ahan meel u dhow Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi.

“Qarax ay soo maleegeen kooxihii dhagar qabayaasha ayaa halkani ka dhacay,waxaana ku dhintay 1 qof oo shacab ah iyo dhagar qabihi gaariga qarxay waday,runtii lama yaqaano halka uu u socday, balse ma uu san gaarin hadafkiisa uu damacsanaa”, Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.

Xiliga qaraxa uu dhacayay oo ahayd abaaro 5:00 Galabnimo oo 30 daqiiqo dhiman,ayaa waxaa goobtaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah,gaariga nuuciisu waxaa lagu sheegey in uu yahay nuuca raaxadda ah in kastoo uu basbeeley ayna adagtahay in sirasmi ah loo ogaado.

Dadka dhaawacyada ka soo gaarey qaraxaasi ayaa durba loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.

Tani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ay maleeshiyada Shabaab ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,iyo beegsiga dadka waxgalka u ah bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...