Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo Qarixii Soobe

Date:

Magaalooyin badan oo kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa ka dhacaya boroordiiq loo sameynayo shacabkii Soomaaliyeed oo ku dhintay Qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Faransiiska oo kamid ah wadamada Codka Vetoga ku leh Golaha Ammmaanka ee QM ayaa amartay in la demiyo nalkii taalada Taariikhiga ah ee Baariiss ee caasimadda Dalkaasi Faransiiska.

Taallada Tour Eiffel ee Paris ayaa la damiyay si loogu murugoodo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe,waxaana la arkayay dadweyne farabadan,kuwaasi oo shucuurtodi muujinayay.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in walaalahood Soomaaliya ay la qeybsanayaan xannuunka iyo Murugada.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxushnimo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto...

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...