Dagaal u dhexeeya Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo ka dhacay Baladxaawo

Date:

Muqdisho(SONNA) Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo Maleeshiyad Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Argagixisada Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka  qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas.

Wixii ku soo kordha goor dhow kala soco SONNA.SO

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...