Wasiirka Difaaca Soomaaliya”Waxaan xoojinaynaa howlgala ka dhanka ah Argagixisada+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa dagalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socoda dalka,isagoo xusay in si taasi loo gaaro la tayayn doono Ciidamada Xoogga Dalka lana qalabayn doono.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada loo diyaarinayo sidii ay Amisom ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka,taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyey kadib Kulamo uu magaalada Baydhabo kula yeeshey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulamo la yeeshey ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan arrimaha Amniga iyo howlgalada ka socoda deegaanadaasi.

Wuxuu sidoo kale kor meer ku tagay xarunta Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,halkaasi oo warbixino uu kga dhageystay saraakiisha taliskaasi oo uu hogaaminayo Janaraal Ibraahim Yarow.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo qeybtan 60-aad, safarkan wuxuu qeyb ka yahay qorshe aan wadno ka wasaarad ahaan iyo ka dowlad ahaanba oo ah u kuurgalka,baahiyaha ciidamada iyo tayeyntooda iyo in la dardargeliyo howlgalada socda si ay ammaanka Dalka ula wareegaan,waxaan sidoo kale noo qorsheysan in aan booqano qeybaha kale sida,21-aad 12-aad iyo 43aad intuba”, Ayuu yiri Wasirka Difaaca.

Wasiirka iyo wefdigisa ayaa shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Baydhabo,halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...