Xoolo ay soo dhaceen Al-shabaab oo lagu qabtay Qoryooley”Sawirro

Date:

20 Neef oo lo’ah oo Shabaab ay ka soo dheceen Dad Shacab ah oo Ku Nool Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay Degmada Qoryooley,sida uu SONNA u sheegey Guddoomiye ku-xigeenka Shabeelaha Hoose Cabdifataax Xaaj Cabdulle

Labaatanka neef ayaa lasoo sheegayaa in Maleeshiyada Al-shabaab ay kasoo dhaceen meel u dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay doonayeen in ay ka iibsadaan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgal ciidamada Amniga ay sameeyeen lagu qab qabtay 20-ka Neef Lo’da ah.

“Maleeshiyaadka Al-shabaab Lo’da ay soo dhaceen waxey usoo dhiibteen dad masaakiin ah oo ay qasbeen, waxey qorsheeyeen in deegaanada Sh/hoose ay u iib geeyaan, Balse howlagla aan sameynay ayaan ku qabanay”ayuu yiri C/fitaax Xaaji Cabdulle.

Al-shabaab ayaa falalkaan ka sameeya deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan, hase ahaatee ciidanka amniga ayaa masuuliyad gaar ah iska saara ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Waxbarashada oo galabta Shaacineyso Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...