Guddoomiye Jawaari oo casuumaad ka heley dhigiisa Suudaan

Date:

Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu maanta la qaatay safiirka dowadda Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa waxa ay kaga hadleen dhowr arimood oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Ugu horeyn safiirka Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya u keenay warqad casuumaad ah oo uu kaga siday xafiiska baarlamaanka ee dalka Suudaan taas oo guddoomiyaha golaha shacabka looga codsanaayo inuu booqasho ku tago dalka Suudaan si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan.

Sidoo kale, safiirka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalalka Carabta iyo siyaasada guud ee dalalka Carabta  ,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu uga mahad celiyay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu mar walba uga shaqeeyo horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Suudaan ayaa waxa ay waxa ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacayo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada iyo tababarida ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...