Guddoomiye Taabid oo dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa saaka dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uuqabtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska goobaha danta guud sida waddooyinka burbursan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in wadadan Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyinka burbursan ee dhexmara degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wadada Janaraal Daa’uud oo xiriirisa Taalada Daljirka iyo wadada Sodonka ayaa ka mid ahayd meelaha burburka uu ka muuqdo,waxaana ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay xiriiriso degmooyin dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...