Araday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha

Date:

Beijing(SONNNA)—Ardaydani oo qeyb ka ah illaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka helay Dolwadda Shiinaha ayaa gaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan Axmed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho helay.

“Waxaa na soo garey qaar ka mid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho helay, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayay si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa la sugayaa kuwa kale”, ayuu yiri Dr C/raxmaan Axmed  Sheekh.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kala duwan soo qabtay.

Sanadahan dambe waxaa sii xoogeysanayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,ayadoo Dowladda Shiinaha ay xafiiskeeda ka furatay magaalada Muqdish.

Dr C/raxmaan Axmed Sheekh oo ah U qaabilsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...