Jabhadda Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqday

Date:

Muqdisho(SONNA) Xabad joojinta oo ay ku dhawaaqday Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa ujeedkeedu yahay in gar gaar la gaarsiyo dadkaasi,iyagoo ugu baaqey ciidamada Myanmar in ay qaataan xabad joojintaasi.

Rabshadaha ka taagan dalkaasi ayaa waxaa uu bilowday ka dib markii Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar,taasi oo keentey in ciidamada dalkaasi ay si toos ah u beegsadaan muslimiinta Rohingya,

Kumanaan qoys ayaa laga barakiciyaay guryohooda,waxaana si wada jir ah u xasuuqaya dadkaasi rayidka ah cidamada Dalkaasi iyo kooxo kale oo taageersan,waxayna galeen wadanka Bangaldhesh o xad dhow la leh Myanmar.

Jabhadda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay kaalmeeyaan dhammaan dadka ku nool deegaannada ay colaaddu saamaysay, ayagoo aan u eegayn qowmiyad ama diinta ay aaminsan yihiin.

Dhibaatooyinka ka taagan dalka Myanmar ayaa waxaa si wada jir ah uga hadlay wax ka qabashadooda madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la xiriiray hogamiayah dalkaasi An-sun Suki,iyadoo gar gaarkii ugu horeeyey uu gaarsiyay Turkigu shacabka Rohingya.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah kuwo aan haysanin aqoonsi muwaadinimo, waxaana arrintani ay tahay mid in muddo ah soo jiiytamaysay,dowladda ayaa u diiday in ay u aqoonsato muwaadiniin dalkaasi u dhashay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...