Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii
eheladooda ku dhintey Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee arxanlaawiyaasha oo shalay xasuuqa ugu geeysteen cadawga Magaalada moqdishu gaarahaan aga gaarka Zoobe KM5, kaasoo ku nafwaayay boqolaal Shacabka Soomaaliyeed oo
aan waxba galabsan, kuna dhawaceen boqolaalkale, wuxuu ahaa fal argagax badan kana fog diinteena suuban iyo damiirka bani adanimo, waxaan ilaaheey uga baryeeynaa intii dhimatey in janadiisa fardawsa ilaaheey kawarabiyo intii dhaawacanteyna ilaaheey siiyo Caafimaad deg deg ah.
Aamiin.