Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho(SONNA):–Kulan wadatsahi ah oo ujeeddadiisu ahayd sidii Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada ee ka jira magaalada Muqdisho ay ugu qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ku tilmaamay kulanka in uu yahay mid muhiimad wayn leh oo loo baahanyahay in bahda waxbarashada ay talooyinkooda dhiibtaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay horay kulamo wadatashi ah u la soo qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada, balse kulankan uu yahay midkii ugu muhimsanaa maadaama ay bahda waxbarsahada ay kaalin mug wayn uga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socday dhamaan Jaamacadaha Caasimadda iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyay kulanka, waxa ayna talooyin ku saabsan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka la wadaageen Wasaaradda.

Ugu damabayn, Wasaaradda ayaa u ballanqaaday bahda waxbarashada in ay door wayn ku lahaan doonaan halwaha Wasaaradda, waxaana lagu ballamay wadashaqayn.

 DSC0032

 DSC0035

 DSC0079

 DSC0051

 DSC0083

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...