Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho(SONNA):–Kulan wadatsahi ah oo ujeeddadiisu ahayd sidii Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada ee ka jira magaalada Muqdisho ay ugu qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ku tilmaamay kulanka in uu yahay mid muhiimad wayn leh oo loo baahanyahay in bahda waxbarashada ay talooyinkooda dhiibtaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay horay kulamo wadatashi ah u la soo qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada, balse kulankan uu yahay midkii ugu muhimsanaa maadaama ay bahda waxbarsahada ay kaalin mug wayn uga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socday dhamaan Jaamacadaha Caasimadda iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyay kulanka, waxa ayna talooyin ku saabsan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka la wadaageen Wasaaradda.

Ugu damabayn, Wasaaradda ayaa u ballanqaaday bahda waxbarashada in ay door wayn ku lahaan doonaan halwaha Wasaaradda, waxaana lagu ballamay wadashaqayn.

 DSC0032

 DSC0035

 DSC0079

 DSC0051

 DSC0083

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...