Muwaadin Mareykan ah oo qirtay in uu Shabaab ka tirsanaa

Date:

Muqdisho(SONNA) Muwaadinkani oo u dhashey Mareykanka ayaa si toos ah u qirtay in uu ku biiray Al-Shabaab,islamarkaana  uu  u safray Soomaaliya si uu uga helo tababar maleeshiyada Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu sidoo  kale taageero Maaliyadeed uu siiyay Al-Shabaab,kadib markii la soo taagay maxakamada ku taala Mareykanka gaar ahaan magaalada Newyork,taasi oo in muddo ah baaritaan ku haysay ninkaasi qirtay argagixisanimada

Waxaa lagu magacaabaa Maalik Alim Jones, oo da’diisu tahay  32-jir,wuxuuna xusay in uu doonaayo in dhammaan dambiya laga qafiifiyo xukunkooda, maadaama uu qirtay kahor inta uusan hor imaan garsooraha degmada District Paul Gardephe ee Manhattan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu Maalik Alim Jones uu Soomaaliya yimid islamarkaana ku biiray koxda Shabaab, sanadkii 2011,wuxuuna la shaqeynayay ilaa 4 sano.

Wuxuu ka soo tagay magaalada Baltimore ee Gobolka Maryland ee Dalka Mareykanka,sanadkii 2015  ayaa waxaa gacanta ku dhigay hay’adaha amaanka Soomaaliya xili uu u safrayay dalka Yeman taasi oo sahashey in Mareykanka uu xabsiga dhigo maxakamadna la soo taago.

Go’aanka maxakamadeynta Mr Maalik Alim Jones  ayaa lafilayaa in la soo geba gebeeyo 25 January 2018,waxaana uu wajihi karaa xabsi dhan 30 sano.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka...