Ra’iisul wasaaraha oo Wafdi ka socda Bankiga Adduunka Xafiiskiisa ku qaabilay”Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyardda Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...