Maxaa sababay dabkii xalay ka kacay Suuq-Bacaad faah faahin ?

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa lagu guuleystay in goor dambe la damiyo dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuq-Bacaad ee Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho kasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Dabkaasi oo marka hore ka bilowday qeybta Sarifka ah ee Suuqaasi ayaa ku sii fiday qeybaha kale wuxuuna baabi’iyay dhismayaal badan,sidoo kale waxaa damkaasi uu sababay qasaare hantiyadeed oo xoogan,iyadoo gebi ahaanba ay basbeeleen dhismaayaal ganacsi oo badan.

Dab ka dhashey koronto ayaa si dhaqsi ah ku fiday,kaasi oo si deg deg ah u gubay hanta badan oo tiilay Bakhaarada Ganacsiga,balse marki dambe lagu guuleystay in la dembiyo sida uu warbaahinat u sheegay C/salaam Axmed C/llaahi oo kamid ah howlwadeenada  gaadiidka demdemiska ee Gobolka Banaadir.

“Dabka waxaa uu bilowday fiidkii,wuxuuna ka dhashey koront,runtii waxaa ku basbeeley halkaasi hanta badan,balse majiraan wax qasaare nafeed ah inta aan aragnay,Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaasi gaaray alle mahadii waan ku guuleysanay”,Ayuu yiri C/salaam Axmed.

Saaka ayaa xaaladda goobtii demba uu ka kacay waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan oo u soo daawasho tagay,mashaqadaasi dhacday,iyo ganacsatadii ku hanta beeley oo ka murugaysan dhacdadaasi.

Ma ahan arrin cusub dem ka koco suuqyada Muqdisho ugu waaweyn. Balse arrinta ugu dhibka badan ayaa ah goobaha qaar koor oo u dhisan qaab isku raran ah oo ciriiri ah,taasi oo ay adagtay in si fudud gaadiidku ay u maraan si loo damiyo.

Dowrjeer oo hore ayaa waxaa dab ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, muddooyinkii ugu dambeeyeyna maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlanaa sidii loo furi lahaa waddooyinka si ay u fududaato gurmadka waqtiyada dhibaatadu ay dhacdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...