Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku amaanay Qurba joogta dowrkooda ku aadan horumarka dalka+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNa) Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabda sagootin ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Amsterdam ee Dalka Holand, ayaa siweyn uga hadlay guulaha Dowladda Soomaaliya ay gaartay.

Madasha waxaa Goob joog ahaa aqoonyahano,bulshada Soomaaliyeed oo rag iyo haweenba leh iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar,waxaana jaaliyadda Soomaaliyeed ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka, iyagoo xusay in lacag gaaraysa 60,000 kun oo dollar ay ugu deeqeen walaalohooda oo Abaaraha saameeyey.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo munaasabadaasi hadalka jeediyay ayaa ku Ammaanay Jaaliydda Soomalaiyeed ee Holand, sida ay ugu diyaar sanyihiin taageeradda Dowladda Soomaaliya.

“Waxay ahayd markii ugu horeysay 2000 shirkii Carta,Aqoonyahno badan oo qurba joog ah ayaa ka qeyb gashey shirkaasi iyo dhis,mihii Dolwdda,waxaana kamid ahaa siyaasiin rug cadaayaal ah, weliba kaalin hormuud leh ay ka qaateen,intaasi kadib waa ay sii xoogaysteen,maanta waxaa la marayaa in isbedelada wadanka ka dhacay ay qeyb ka yihiin,Wasaarad walba waxaa ka shaqeeya dhalinyaro iyo aqoonyahano qurba joog ah,Qaarkood ganacsi iyo shaqooyin kale ayaay abuureen, waxaa la dhihi karaa dowrmuhiim ah ayay horumarka dalka ku leeyihiin”,Ayuu yiri Wasiir Yariiswo.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Dalka Haatan uu kajiro isbedel la taaban karo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay hirgelinta waajibaadkii loo igmaday, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool daafaha Caalamka in ay sii xoojiyaan kaalintoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

C/llaahi Max’ed Xuseen Taajirow Holand

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...