Maamulka G/ hiiraan oo sheegay in ay ku guulaysteen qeybinta deeq gar gaar ah

Date:

Shiikh Xuseen Guddoomiye ku xigeenka Arrimah bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay si wanaagsan u maamuleen deeq  dhawaan lagu wareejiyay Maamulka Hiiraan taasoo loogu talo galay Caawinta dadka abaartu ku saamaysay ka timid dowladda turkiga.

Shiikh Xuseen ayaa tilmaamay inay wali abaar daran ka jirto Gobolka Hiiraan taasina aysan ka dhignayn in ay ku filan tahay deeqdaani Bulshada Gobolka.

Balse ay kaga mahad celinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka sida ay u garab taagan yihiin bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobolada ay ka jirto abaar xoogan oo saamaysay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...