Maamulka G/ hiiraan oo sheegay in ay ku guulaysteen qeybinta deeq gar gaar ah

Date:

Shiikh Xuseen Guddoomiye ku xigeenka Arrimah bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay si wanaagsan u maamuleen deeq  dhawaan lagu wareejiyay Maamulka Hiiraan taasoo loogu talo galay Caawinta dadka abaartu ku saamaysay ka timid dowladda turkiga.

Shiikh Xuseen ayaa tilmaamay inay wali abaar daran ka jirto Gobolka Hiiraan taasina aysan ka dhignayn in ay ku filan tahay deeqdaani Bulshada Gobolka.

Balse ay kaga mahad celinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka sida ay u garab taagan yihiin bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobolada ay ka jirto abaar xoogan oo saamaysay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...