Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Date:

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo  Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland  ayaa Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,  iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka  ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...