Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsanaa Nabad diidka Al-Shabaab

Date:

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidankeedu dileen Shan ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerar ku qaadeen Keymaha Boni iyo Bodhey ee Dalkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Dalka Kenya oo lagu Magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in weerarka sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Ciidan oo ay goobtaasi kaga carareen Al-Shabaab.

Marar badan ayaa diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya duqeeyeen Fariisimo iyo gaadiid ay leeyihiin maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab kuwaa soo la gaarsiiyay Khasaarooyin kala duwan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Sanadihii aynu soo dhaafnay waxay fariisimo ka samaysanayeen qaybo ka mid ah Keymaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, halkaasoo ay kasoo abaabulayeen weerarro ka dhan ah xarumaha Dowladda Kenya iyo Dadka Shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...