Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Bariire

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal  Axmed Jimcaale ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale, S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...