Wasiirrada Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Date:

Wasaaradaha Beeraha Somaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabnsan wax soo soorka Soomaaliya gaar ahaan sidii loo kobcin lahaa qudaaarta laga soo saaro dalkeena.

Labada dowladood waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya, halka dowlada Turkiga uu u  saxiixay Dr. Ahmed Eşref  oo ah Wasiirka Beeraha  Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdaha  u faraya  iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshan dhinaca beeraha, iyadoo uu xoojanayo taageero dhic walbo ah oo dowladda Turkigu ku baxiso Beeraha Soomaaliya sida dhanka ticnoolojiyada ee beeraha  dib u dhiska kaabayaasha Abuurka.

Qodobada  muhiimka ah ee ku  jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sidii ganacsiga wax soo saark beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarrada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.

Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadanka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalkeena.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...