Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis lagu horumarinayo Beeraha iyo Waraabka+(Sawiro)

Date:

Turkiga(SONNA) Heshiiskaan laba geesoodka ah ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Beeraha Somaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa  waxuu ku saabnsan yahay  wax soorka soomaaliya sidii sare loogu qaadi lahaa isla markaana qudaaarta laga soo saaro dalkeena loo kobcin lahaa.

Labada dowladood ayaa waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Dalka, halka dowladda turkiga u  saxiixay Dr Ahmet Eşref  oo Wasiirka Beeraha  Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdaha  u faraya  iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinaca beeraha,iyadoo uu xoojanayo taageero dhinac walbo ay dowlada Turkiga ay ku baxiso Beeraha Soomaaliya sida dhanka tiknooljiyada ee beeraha  dib u dhiska kaabayaasha Abuurka  iyo waaxda badbaadada beeraha sidii gacan looga siin lahaa dowladda soomaaliya.

Qodobada  muhiimka ah ee  ku jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sidii ganacsiga wax soo saarka beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale Wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda federaalka  Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.

Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadankaasi Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalkeena,si  sare loogu qaado wadanka wax soo saarka dhanka beeraha oo dadaal xoogan ay ka wado Wasaarada beeraha.

W:Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...