Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo kulan yeeshay

Date:

Kulanka ay yeesheen Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare iyo wasaarada batroolka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka saree e Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda batroolka iyo xubnihii la socday,  waxayna ka warbixiyeen Shidaalka dalka Soomaaliya ku jira , deegaanada lagu qiyaasay, heshiisyada baarista Shidaalka iyo Shirkadaha ka howl galaya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka Xukuumada federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa u sheegay warbaahinta qaranka kulanka in uu ahaa mid Wasaarada shaqada ay qabato iyo halka wax u marayaan  wax looga weydiinayay wasaaraduna ay sharaxaad buuxda guddiga ka siisay.

Mudane ilyaas Cali Xasan, Guddoomiyaha  Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigooda uu ahaa mid xog raadin ah, Wasaaraduna ay si wanaagsan warbixn iyo su’aalihii la weydiiyay uga jawaabtay.

Guddiga kheyraadka qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa wada sidii uu xiriir ula samayn lahaa Wasaaradaha ay quseyso Howshooda, si Guddiga  xog uu u helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...