Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo kulan yeeshay

Date:

Kulanka ay yeesheen Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare iyo wasaarada batroolka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka saree e Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda batroolka iyo xubnihii la socday,  waxayna ka warbixiyeen Shidaalka dalka Soomaaliya ku jira , deegaanada lagu qiyaasay, heshiisyada baarista Shidaalka iyo Shirkadaha ka howl galaya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka Xukuumada federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa u sheegay warbaahinta qaranka kulanka in uu ahaa mid Wasaarada shaqada ay qabato iyo halka wax u marayaan  wax looga weydiinayay wasaaraduna ay sharaxaad buuxda guddiga ka siisay.

Mudane ilyaas Cali Xasan, Guddoomiyaha  Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigooda uu ahaa mid xog raadin ah, Wasaaraduna ay si wanaagsan warbixn iyo su’aalihii la weydiiyay uga jawaabtay.

Guddiga kheyraadka qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa wada sidii uu xiriir ula samayn lahaa Wasaaradaha ay quseyso Howshooda, si Guddiga  xog uu u helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...