Dowladdaha Soomaaliya iyo Germany oo Hishiisyo kala saxiixday

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Abdi diirshe iyo Agaasimaha Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda ee NOA Maxamaed Daahir Faarax, ayaa gaaray Dalka Germany, Halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi.

Madaxda labada dowladood ayaa ka wada hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay  oo toos ah muddo ku siman 30 ka dib, waxaana heshiiskan uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, Heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo  labada dowladdood  ee Soomaaliya iyo  Germany .

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga X. F. S. Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Heshiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jira heshiiska.

“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi  lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.

Dr. Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan  Qaaradda Africa  ayaa  boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda  horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in Soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in  maalgashi lagu sameysto.

Soomaaliya iyo Jermalka ayaa waxaa ka dhaxeeya Saaxiibtinimo soo jireen ah, waxaana dowladda Jarmalka Dalka ay ka hirgalisay Mashaariic badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...